Waxaa sare u sii kacay iskudhacyada u dhexeya kooxda Xuutiyiinta iyo saraakiisha ammaanka ee dowladda Yemen.
Wararka ayaa tilmaamaya in ilaa 500 oo qoys lagu haysto gobolka istaraatiijiga ah ee Marib.
Militariga Yemen ayaa dhankiisa sheegay inuu dilay xubno ka mid ah kooxda Xuutiyiinta oo uu ku jiro taliye sare.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii qaramada midoobay ay ka digtay xaalad baniaadanimo oo shacabka soo foodsaari karto hadii iskudhacyada Marib ay sii socdaan.