Dagaalka Ukraine oo sare u qaaday tirada barakacayaasha caalamka

0
292

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in duullaanka militari ee ay dowladda Ruushka weli ka wado gudaha dalka Ukraine uu sare u sii qaaday tirada barakacayaasha ee dunida.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in tiradan ay markii ugu horreysay ka sare martay 100 milyan oo qof.
Madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi ayaa ka digay in dagaalka uu sababi karo dhibaatooyin ka dhanka cunnada ah.
Hay’adda ayaa warbixinteedi ugu dambeysay ku sheegtay in sanadkii 2021-kii ay daafaha caalamka ku barakaceen 89.3 milyan oo ruux.
Tiradan ayaa muddo toban sano gudaheeda ah laba jibbaarmatay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here