80 boqolkiiba carruurta Qaza oo wajahaya culeysyo dhanka maskaxda ah

0
470

Afar ka mid ah 5-tii carruur ah ee ku nool marinka Qaza ee dalka Falastiin ayaa wajahaya culeysyo dhanka maskaxda ah oo isugu jiro murugo, niyadjab iyo cabsi ka dhalatay go’doominta Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta ee 15-kii sano ee la soo dhaafay.
Waxaa arrinkan shaaca looga qaaday warbixin ay daabacday hay’adda badbaada carruurta ee Save The Children oo cilmi baaris sameysay.
Warbixinta hay’adda ay saartay ayaa cinwaan looga dhigay “go’doonsan”
Cilmi baarista ay hay’addu sameysay ayay ku wareystay 488 carruur ah, 168 waalidiin ah iyo daryeelayaal caafimaad ah.
Waxaa ay cilmi baarista ay sameysay hay’adda Save the Children muujineysa in fayoobida maskaxda carruurta, dhallinyarada iyo daryeelayaasha caafimaad ee marinka Qaza ay si aad ah u sii xumaatay tan iyo warbixintoodii ugu dambeysay ee afar sano ka hor, iyada oo tirada carruurta wajahaya culeyso dhanka maskaxda ee sanadkan tahay boqolkiiba 80 marka loo barbardhigo sanadkii 2018-kii xilligan oo kale oo ahayd 55 boqolkiiba.
Hay’adda badbaada carruurta ayaa sidoo kale sheegtay in in ka badan kala bar carruurta Qaza ay ku fikireen inay isdilaan, halkii saddex ka mid ah 5-tii carruur ay ku fikiraan inay waxyeello isu gaystaan.
Save The Children ayaa carrabka ku dhufatay in dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ay wajahayaan caruurta Qaza ayaa waxaa gacan gaystay helitaan la’aanta adeegyada aasaasiga ah sida daryeelka caafimaadka iyo go’doominta Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here