Tunisia oo 72 tahriibayaal ah oo u socday Talyaaniga ku qabatay xeebaha dalkaasi

0
329

Dowladda Tunisia ayaa qabatay 72 muhaajiriin ah oo isku dayay in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka iyaga oo rabay in si sharci darro ah ay ku galaan dalka Talyaaniga, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Tunisia .
Muhaajiriintan ayaa lagu kala hakiyay labo howlgal, waxaana ay ka soo kala jeedaan dhalasho ahaan dalal kala duwan oo Afrikaan ah, sida ay wasaaraddu ku sheegtay warbixinta ay soo saartay.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in 42 ka mid ah ay soo badbaadiyeen ciidanka ilaallada xeebaha ee Tunisia oo ku sugnaa magaalo xeebeedka Zarzis ee waqooyi bari wadankaasi.
Tahriibayaasha ayaa qirtay inay habeen ka hor ka soo baxeen magaalada Zuwara ee dalka Libya.
Howlgal kale, ayaa ciidanka qaranka ee Jasiiradda Kerkennah ku hakiyeen 30 qof oo tahriibayaal ah.