Guddiga tacliinta sare oo ka laabtay aqoonsiga shahaadada Sakaja

0
456

Guddiga tacliinta sare ee dalka ee (CUE) ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay inuusan aqoonsanayn shahaadada heerka Degree ee uu senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ka qaatay jaamacadda Team University ee Uganda.
Warqaddan ayaa loo qoray Sakaja iyadoo nuqullo la siiyay wasaaradda tacliinta iyo guddiga doorashooyinka ee IEBC.
Guddiga ayaa sheegaya inuu hadda helay caddeyn cusub oo uu u adeegsan karo baaritaannada si loo hubiyo inay sax tahay shahaadada siyaasigan.
7-dii bishan ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu Sakaja u ansaxiyay inuu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan u tartamo xilka barasaabnimo ee Nairobi.
Tallaabadaasi ayaa muran badan dhalisay ka dib markii ay soo baxeen in mas’uulkan uunan haysan shahaado jaamacadeed in kastoo uu waxyaabahan ku gacan seyray kuna tilmaamay kuwo siyaasadeysan.
Dhanka kale guddi IEBC u qaabilsan xallinta murannada ayaa maanta go’aan ka soo saari doono dacwad ku saabsan sharcinnimada shahaadada waxbarasho ee senatarka Nairobi.
Sidoo kale madaxa fulinta ee guddiga doorashooyinka Xuseen Marjan oo isagoo u warramaya telefishinka NTV uu daawade wax ka waydiiyay waxbarashada Raila Odinga ayaa sheegay in guddoomiyaha guddiga , Wafula Chebukati ii dabagal ku sameeyay arrintaasi kuna qancay taasoo keentay in Mr. Odinga loo ansaxiyo u tartamidda hoggaanka wadanka.