Madaxweynaha Faransiiska oo ka dayriyay dagaalka Ukraine

0
482

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dagaalka Ruushku uu weli ka wado gudaha wadanka Ukraine ay saameysay qaybaha kala duwan ee nolosha.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay culeysyada dhaqaale ee ka dhashay duullaanka militari ee xukuumadda Moscow ay billowday 24-kii bishii Labaad ee sanadkan.
Macron ayaa arrintan ka hadlay ka hor inta uunan u safrin dalalka Romania iyo Moldova oo daris la ah Ukraine.
Mas’uulkan ayaa saadaaliyay in maalmaha soo socdo ay xaaladuhu sii adkaan karaan.