Hay’adda laanqeyrta cas oo sare u qaaday wacyigelinta ka dhan ah xadgudubka jinsiyadeed

0
531

Hay’adda laanqeyrta cas laanteeda Kenya ayaa sheegtay in ay xoojisay wacyigelinta bulshada ee lagula dagaallamaya tacaddiga jinsiyadeed.
Waxay sheegtay in ay diiwaangelisay 103 kiis oo dhibaatooyinkan la xiriira in kastoo ay dhanka kale tilmaantay in ay jiraan shaqaqooyin aan la soo tabin.
Hay’adda ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twittarka ku sheegtay in kiisaska ku saabsan rabshadaha dhanka jinsiga ee loo yaqaano GBV ay kordheen tan iyo markii cudurka COVID19 uu sanadkii hore soo gaaray Kenya.
Qoraalka waxaa qayb ka ah in dadka badankoodu aynan garanayn sida ay cawimaad ku heli karaan marka loo gaysto dhibaatooyinka noocan oo kale ah ama ay ka cabsanayaan in bulshadu ay ku faquuqdo.
Hay’adda oo kaashanaysa wasaaradda caafimaadka iyo dowladaha ismaamullada wadanka ayaa wacyigelin xal loogu raadinaya caqabaddan ka sameynaysa 14 dowlad deegaan.
Waxay hay’addu shacabka ku boorrisay in ay soo gudbiyaan warbixinnada ku aaddan xadgudubyada jinsiyadeed iyagoo adeegsanaya nambarka ah 1199 oo si lacag la’aan lagu wici karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here