Ruushka:Waxaan soo ridnay 3 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Ukraine

0
439

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay soo ridday Saddex ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Ukraine.
Wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Moscow ayaa bayaan ku sheegtay in ciidamadeeda ilaalada hawada ay tallaabadan qaadeen.
Bayaanka waxaa ku cad in labo ka mid ah nooca diyaaradaha ee MIG-29 lagu soo riday gobolka Mykolayiv midda kale oo ah Su-25 lagu bartilmaameedsaday magaalada Kharkiv.
Hasa ahaate dowladda Ukraine ayaan war degdeg ah ka soo saarin sheegashada Ruushka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here