Dowladda Syria ayaa si ku meel gaar ah u hakisay duulimaadyada garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Dimishiq.
Tani ayaa timid ka dib markii sida la sheegay weerar ay fulisay Israa’iil lagu dilay qof shacab ah.
Weerarkaasi oo ahaa mid dhanka cirka ah ayaa laga gaystay meel u dhow garoonka.
Wargeyska Al-Watan ayaa maanta qoray in falkaasi uu burburiyay qayb ka mid ah gagida diyaaradaha ee Dimishiq.




