Ingiriiska oo ka digay in daacuun uu ka dillaaco Mariupol

0
544

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka digtay inay jirto halis ah inuu daacuun ka dillaaco magaalada Mariupol oo sida wayn u go’doomiyeen weerarrada militari ee Ruushka ee dalka Ukraine
Wararka ayaa intaasi ku daraya in adeegyadii caafimaadka ee dekedda magaaladaasi ku taalla ee koonfurta bari ee dalka Ukraine ay qarka u saran tahay inay burburto.
Wasaaradda difaaca ee dowladda Ukraine ayaa dhankeeda sheegtay in Moscow ay dooneyso inay si buuxda u burburiso qaranimada Ukraine, iyadoo ciidamada Ruushka ay sii wadaan weerarrada joogtada ay ka gaysnayaan gobolka Donbas ee bariga dalkaasi.
Dhanka kale safiirka dowladda Mareykanka ee ku matala ururka iskaashiga iyo ammaanka Yurub oo magaciisa loo soo gaabiyo OSCE Michael Carpenter ayaa sheegay in gobolka Kherson ee Koonfurta wadanka Ukraine ay xukuumadda Moscow xadgudbyo ugu gaysanayso dadka rayidka ah iyo siyaasiyiinta maxalliga.