Maxkamadda Australia oo go’aan ka soo saartay jinsiyadda eedeysanayaasha argagixisanimo

0
434

Maxkamadda sare ee dalka Australia ayaa soo saartay go’aan ah in dowladdu aynan meesha ka saari karin muwaadinnimada shakhsiyaadka lagu eedeya argagixisada ee haysta labo jinsiyadood.
Go’aankan ayaa ah mid u cuntamaya Delil Alexander oo haysta dhalashada waddamada Turkiga iyo Australia kaasoo hadda lagu hayo Syria.
Waxaa uu Delil Australia ka tagay sanadkii 2013-kii isagoo qoyskiisa u sheegay inuu guur qorsheynaya oo uu dib u soo laaban doono.
Hasa ahaate waxaa uu u safray Syria iyadoo maamullada sirdoonka ee Australia ay sheegeen inuu ku biiray kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.
Waxaa gudaha Syria ku xiray ciidamada kurdiyiinta.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii Delil Alexander ay maxkamad ku taalla Syria ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah .
In kastoo dowladda wadankaasi ay cafis u fidisay haddana waxaa weli lagu haya xabsi ku yaalla dalkaasi .
Qareenka u doodaya oo lagu magacaabo Cisman Samin, ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Australia ay ku qaldan tahay inay kala laabato jinsiyadiisa maadaama uunan wax xiriir ah la lahayn koox argagixiso.