Ugu yaraan labo qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ka dib markii koox hubeysan ay weerar la bartilmaameedsatay goob dahabka laga soo saaro.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa afar qof lagu dhaawacay dhacdadan oo la soo tabiyay abaare 4:30 aroornimo ee saaka.
Ilaa iyo hadda lama aqoonsan heybta kooxda weerarka soo qaaday in kastoo ilaalada halkaasi ay iska caabin sameyeen.