10,000 oo qof oo ku xanniban Severodonetsk

0
453

Duqa magaalada Severodonetsk Oleksandr Stryuk ee dalka Ukraine ayaa sheegay in ilaa 10,000 oo qof oo shacab ah ay ku xanniban yihiin halkaasi duullaanka militari ee Ruushka awgiis.
Waxaa uu xusay in xaaladdu ay aad u adag tahay balse la maareyn karo.
Mas’uulkan oo sheegay inaysan fududeyn in magaladaasi laga sameeyo daadgureyn ayaa laga soo xigtay in ciidamada Ukraine ay weli gacanta ku hayaan degmadaasi iyo aagagga u dhow.