Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 17 ruux ka dib markii tareen rakaab siday uu ku gadoomay bariga wadanka Iiraan.
Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sidatan qortay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay dhaawacyo culus soo gaareen 50 rakaab oo kale.
Waxaa suurtagal ah inay sare u kacdo dhimashada maadaama dhaawaca qaar ay xaaladooda caafimaad liidato.
Tareenka qallibmay ayaa siday 350 qof oo rakaab ah
Sanadkii 2004-tii ayay ahayd markii tareen ku gadoomay meel u dhow magaalada taariikhiga ee Neyshabur, dalka Iiraan ay ku dhinteen 320 qof halka 460 kalena ay ku dhaawacmeen.