Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda isu tagga imaaraadka carabta ayaa ku biirtay cambaareynta ka dhanka ah aflagaado Nabi Maxamad loogu gaystay gudaha wadanka India.
Aflagaaddada ayaa ka soo yeertay Nupur Sharma iyo Naveen Jindal oo xubno ka ah xisbiga talada India haya ee uu ka tirsan yahay ra’iisul wasaare Narendra Modi ee (BJP).
Waxaa falcelinta Imaraadka ka soo horreysay in dowladaha Qatar iyo Kuwait ay dib ugu yeerteen safiiradii ku matalayay India.
Tallabadaasi ka dib ayuu xisbiga BJP hakiyay xubinnimada Sharma isagoo eryay Jindal.
Xisbiga ayaa sidoo kale soo saaray bayaan lagu tilmaamay mid naadir ah oo uu ku sheegaya inuu aad uga xun yahay aflagadeynta diimeed.
Bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda ee UAE-da oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee WAM waxaa ku cad in siyaasiyiinta ay ku kaceen fal ka baxsan mabaadi’ida dhaqanka iyo qiyamka baniaadanimada oo naceyb laga dheehan karo.
Sidoo kale waxaa arrintan cambaareeyay Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo dowladaha kale ee islaamka.
Axaddii ayay ahayd markii Qatar ay India ka dalbatay raaligelin si fagaara ah loo soo bandhigaya.