Madaxweynaha Sri Lanka oo sheegay inuu dhameysanaya muddo xileedkiisa

0
284

Madaxweynaha dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa wacad ku maray in dibadbaxyada halkaasi ka socdo muddo bilooyin ah aynan saameyn ku yeelan doonin maamulkiisa oo uu dhameysanaya inta ka hartay muddo xileedkiisa.
Mudaharaadyada ayaa lagu dalbanaya inuu xafiiska banneeyo.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay inuusan mar kale isku soo sharrixi doonin qabashada hoggaanka wadankaasi.
Mas’uulkan ayaa tilmaamay inuu diiradda saaraya xal u helidda dhaqaale xumada ka jirto Sri Lanka oo la sheegay inay tahay midii ugu darnayd tan iyo madax bannaanidii dalkaasi.
Wareysi uu bixiyay ayuu Rajapaksa ku sheegay inuusan noqon doonin madaxweyne fashilmay oo xafiiska baneeyay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in muddo xileedkiisu uu yahay 5 sano sidaas awgeedna uu dhameysanaya.
Dadweynaha Sri Lanka ayaa madaxweynaha ku dhaliilaya inusuan wax ka qaban gaabad dhanka shidaalka iyo dawooyinka ah iyo sicir barar gaaray boqolkiiba 40.