Ra’iisul wasaaraha Britain oo ka badbaaday xilka qaadis

0
554

Ra’iisul wasaaraha boqortooyada Ingiriiska Boris Johnson ayaa ka badbaaday qorsho lagu doonayay in kalsoonida lagala laabto.
In kastoo uu khilaaf kala dhexeya xubnaha xisbiga talada haya ee Conservative Party, haddana waxaa Johnson codka kalsoonida ku taageeray 211 xeer dejiyaal ah.
Waxaa codeynta loogaga badiyay 148 siyaasi oo doonayay inay kalsoonida kala laabtaan mas’uulkan.