Hoggaamiyaasha militariga ee maamulo dalka Mali ayaa shaaciyay in labo sano ka dib ay talada wadankaasi ku wareejin doonaan maamul rayid ah.
Bishii Siddeedaad ee sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii uu Mali ka dhacay inqilaab militari.
Bishii Shanaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii hoggaamiyaha ciidamada difaaca ee wadankaasi Assimi Goita uu meesha ka saaray maamul ku meel gaar ahaa isagoo madaxtinnimada la wareegay.
Sidoo kale waxay ciidamadu horay ugu guuldareysteen muddo kama dambeys ahayd oo loo qabtay bishii labaad ee sanadkan si dalkaasi ay doorasho uga dhacdo taasoo horseedday in jaaliyadda dhaqaale ee galbeedka Afrika ee (ECOWAS) ay xayiraad saarto Mali.
Hasa ahaate madaxa militariga Mali Colonel Assimi Goita ayaa ugu dambeyn saxiixay digreeto Isniintii laga akhriyay talefishinka dowladda.
Waxaa uu xusay in maamul wareejinta ay qaadan doonto 24 bilood oo laga soo billaabaya 26-kii bishii Saddexaad ee sanadkan.