Dalalka Islaamka oo cambaareeyay aflagaado Nabi Maxammad loogu gaystay India

0
536

Dalalka islaamka ayaa si kulul u cambaareeyay aflagaado lagula kacay muslimiinta gaar ahaan Nabigeena Maxammad N.N.K.H
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay sii korortay carrada ka dhalatay aflagaado uu afhayeenka xisbiga talada haya ee Bharatiya Janat ee India iyo ku xigeenkiisa ay kula kaceen Nabi Maxammad.
Dalka Qatar maanta waxaa ka dhacay bannaanbax lagu cambaaraynayay aflagaadada ay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka India kula kaceen diinta islaamka xilli ay ka qayb galayeen dood telefishan.
Waddamada Afganistaan iyo Pakistaan ayaa ka mid ah dalalka si wayn uga falceliyay tallaabadaas.
Golaha culumada sare ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul u cambaareeyay hadalladii ka soo yeeray afhayeenka xisbiga Bharatiya Janat ee India ee ka dhanka ah Nabi Maxammad NNKH.
India ayaa si degdeg ah loogu baaqay inay bixiso raaligelin dadweyne.