Waxaa lagu soo warramayaa in rag hubeysan ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa kaniisad ku taalla Koonfurta Galbeed ee dalka Nigeria.
Kaniisadda ayaa ka mid ah kuwa Katholigga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in halkaasi lagu tuuray waxyaabaha qarxa.
In kastoo aan tiro rasmi ah la shaacin haddana waxaa laga cabsi qabaa inay weerarkaasi ku dhinteen dhowr iyo toban qof oo ay carruur ku jiraan.
Madaxweynaha dalka Nigeria Muxamaddu Buhari ayaa falkaasi cambaareeyay isagoo ku tilmaamay mid wuxushnimo ah.