Ruushka oo dagaal culus ka wado gudaha Ukraine

0
451

Waxaa lagu soo warramayaa in qaraxyo xooggan laga maqlay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv ka dib weerarro ay gaysteen ciidamada difaaca ee dowladda Ruushka.
Sidoo kale madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegaya in la gubay mid ka mid ah kaniisadaha qadiimiga ee gobolka Donetsk.
Waxaa uu intaasi ku daray in dagaalka Ruushka uu weli ka socdo waddooyinka magaalada Severodonetsk oo ay xaalad aad u adag ka taagan tahay.
Guddoomiyaha gobolka Luhansk Serhiy Haidai, ayaa sheegaya in ciidamada Ukraine ay hadda dib ula wareegeen boqolkiiba 20 ee dhulka uu Ruushku horay u qabsaday.