Dullaanka Ruushka ee Ukraine oo maalinkii boqolaad galay

0
559

Isku duwaha xasaradaha qaramada midoobay ee Ukraine ayaa ka digay in weerarka uu Ruushka ku qaaday wadanka dariska la ah ee Ukraine uunan guul ka gaari doonin.
Waxaa ay kusoo aadeysa iyadoo maanta duullaanka Ruushka ee Ukraine uu galay maalintiisii 100-aad.
Dhanka kale la taliyaha madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Kyiv aynan qorsheyneynin inay isticmaasho hubka casriga ah ee gantaallada uu keeno Mareykanka si loo weerarro bartilmaameedyada gudaha Ruushka.
Wasaaradda difaaca ee boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in Ruushka uu haysto in ka badan 90 boqolkiiba gobolka bari ee Ukraine ee magaalada Luhansk ayna u badan tahay inuu si buuxda ula wareego labada toddobaad ee soo socda.
Qaramada midoobay ayaa xaqiijisay in in ka badan 9,000 oo rayid ah lagu dilay iskahorimaadka u dhexeya dowladaha Ruushka ee Ukraine.