Ingiriiska oo xayiraado dheeraad ah saaray militariga Myanmar

0
934

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn dheeraad oo ka dhan ah taliyaasha militari ee wadanka Myanmar.
Waxay UK sheegtay in shirkadaha ku yaalla dalkeeda aynan wax ganacsi ah la sameyn karin mas’uuliyiintii ka dambeeyay afgembigii dhacay 1-dii bishan iyo shirkadaha lala xiriiriyo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo weli ay socdaan dibadbaxyada ay shacabka ku doonayaan in talada dalkaas dib loogu celiyo maamulkii laga fara maroojiyay.
Waxaa sidoo kale jiro warar sheegaya in bangiga adduunka uu joojiyay lacagihii uu siin jiray dowladda Myanmar.