Waxaa xabsi ku yaalla dalka Zimbabwe lagu hayaa lix qof oo soomaali Kenyan ah, kuwaas oo qorshuhu yahay in dalkaasi laga masaafuriyo.
Shakhsiyaadkan ayaa la sheegay in ay si sharci darro ah ku galeen wadanka Zimbabwe iyagoo ka yimid dalka Koonfur Afrika.
Waxaa magacyadoodu lagu sheegay Muuse Cabdullaahi Xuseen , Maxamad Cabdille, Cali Maxamad Cabdi, Xuseen Haaruun Bullo, Maxamad Cabdiraxmaan Isaaq iyo Ibraahim Bashir Duurow, waxayna da’adooda u dhexeysa 34 ilaa 44 sano.
Waxaa shakhsiyaadka la xiray 27-kii bishii hore xilli ay Zimbabwe uga soo gudbeen wadanka Koonfur Afrika
30-kii bishii hore ayay ahayd markii ay ka soo hor muuqdeen maxkamad ku taalla dalka Zimbabwe iyagoo wajahay eedeymo la xiriira jebinta sharciga socdaalka ee wadankaasi.