Afar qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen toogasho lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Tusla ee gobolka Oklahoma ee dalka Maraykanka.
Taliye ku xigeenka booliska ee magaalda Tusla, Eric Dalgleish oo saxaafiyiinta la hadlay ayaa sheegay in ninka toogashada gaystay, uu ku hubaysnaa qori iyo bastoolad.
Waxaa uu intaasi ku daray in ninka hubeysan ee dilka gaystay uu isaga qudhiisa geeriyooday.
Taliyaha ayaa xusay in booliska ay isku dayayeen in ay ogaadaan aqoonsiga qofka falka gaystay, balse waxa uu tilmaamay in da’diisu ay u dhaxeyso 35 ilaa 40 sano jir.
Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa bayaan ka soo baxay lagu sheegay in maamulka uu taageero u fidiyay saraakiisha maxalliga.
8 cisho ka hor ayay ahayd markii nin 18 sano jir uu rasaas ku furay xarun waxbarasho oo ku taalla gobolka Texas ee dalka Mareykanka islamarkaana uu ku dilay ugu yaraan 19 arday iyo labo macallin.
Sanadkii 2020, waxaa gudaha Maraykanka hub la adeegsaday awgii u geeriyooday 19,350 qof.