Xubin ka mid ah nabadsugidda UN oo lagu dilay Mali

0
256

Weerar ka dhacay magaalada Kidal ee waqooyiga dalka Mali ayaa waxaa lagu dilay mid ka mid ah saraakiisha nabadsugidda ee Qaramada Midoobay.
Falkaasi oo lala eegtay kolonyo baabuur ah oo ay ciidamadu leeyihiin ayaa lagu dhaawacay Saddex askari oo kale.
Khasaaraha ka dhashay weerarka ee isugu jiro dhimashada iyo dhaawaca ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay howlgalka nabadsugidda Qaramada Midoobay ee Mali ee MINUSMA.
Sarkaal amni ayaa laga soo xigtay in ciidamada ay waxyeelladu soo gaartay ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Jordan.
Qoraalka MINUSMA oo lagu cambaareeyay falka amni darro ayaan faahfaahin dheeraad ah looga bixin haybta cidda fulisay.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Mali ahna madaxa howlgalka nabadsugidda ee MINUSMA, El-Ghassim Wane ayaa sheegay in ciidamadu ay iska caabiyeen dagaallamayaasha oo aad u hubeysnaa.
Waxaa uu ku tilmaamay fal naf la-caarnimo ah oo ay argagixisadu ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan amniga dalkaasi.
Dhacdadan ayaa ahayd midii 5-aad ee muddo toddobaad ah ka dhacda gobolkaasi waxaana sidoo kale cambaareeyay xoghayaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres.