Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ay wadankooda geeyeen 243,000 oo qof oo u dhashay Ukraine oo ay ka mid yihiin carruur dhan 200 oo kun.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dadkan si qasab ah looga wareejiyay goobihii ay ku sugnaayeen.
Hoggaamiyaha Ukraine ayaa laga soo xigtay in carruurta ay isugu jiraan kuwo agoomo ah, kuwo ay waalidiintooda kala tageen iyo qaar la kaxeystay iyaga iyo waalidiintooduba.
Waxaa uu intaasi ku daray in qorshaha arrintan laga leeyahay ay tahay in muwaadiniinta Ukraine la hilmaansiiyo dalkooda si aynan weligood dib ugu laaban.