Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in ciidamada Ruushka ay gudaha wadankaasi ka gaysteen dembiyo dagaal oo kor u dhaafaya 600.
Dacwad oogaha guud ee dalka Ukraine Iryna Venediktova ayaa sheegtay inay hadda gacanta ku hayaan 80 ka mid ah kiisaskan.
Eedeysanayaasha ugu muhiimsan ee falalkan lala xiriirinaya waxaa ka mid ah ciidamo militari, siyaasiyiin iyo kuwo lagu tilmaamay wakiillada dacaayadda Ruushka.
Iryna ayaa intaasi ku dartay in maalin kasta la diiwaangelinaya 200 ilaa 300 oo ah kiisaska ku saabsan dembiyada dagaalka.
Dowladda Ukraine ayaa kaashanaysa maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC oo baaritaano billowday horraantii bishii Saddexaad ee sanadkan.
Ruushka ayaa gudaha Ukraine duullaan militari ka wado tan iyo 24-kii bishii Labaad ee sanadkan.




