Madaxda Yurub oo ku heshiiyay xayiraad shidaal oo ka dhan ah Ruushka

0
284

Hoggaamiyaasha Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in cunaqabatayn dhanka ganacsiga shidaalka ah lagu soo rogo dowladda Ruushka.
Waxay tani micnaheedu tahay in dhammaadka sanadkan boqolkiiba 90 la yareyn doono shidaalka ay xukuumadda Moscow u iibgeyso dalalka qaaradda Yurub.
Go’aanka ay gaareen madaxda EU-da ayaa yimid ka dib markii ay tanaasushay dowladda Hungary oo qorshahan dood ka qabtay.
Ra’iisul wasaaraha Hungary ,Viktor Orban oo ku doodayay in xayiraad shidaal oo la saaro Ruushka ay waxyeello dhaqaale ka soo gaari karto dalkiisa ayaa ugu dambeyn la qanciyay.
Madaxa golaha Midowga Yurub Charles Michel ayaa qoraal ku sheegay in la joogo xilligii cadaadis xooggan la saari lahaa Ruushka ilaa iyo inta uu ka soo afjaraya duullaanka militari ee uu weli ka wado gudaha dalka Ukraine.