IGAD oo soo dhaweysay in la qaaday xaaladdii degdegga ee Suudaan

0
582

Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr .Workneh Gebeyehu ayaa soo dhaweeyay tallaabada meesha looga saaray xaaladdii degdegga ahayd ee ka jirtay dalka Suudaan.
Golaha madaxa bannaan ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa sidoo kale amray in la siidaayo maxaabiista.
Dr. Workneh Gebeyehu ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo wanaagsan oo horseedaysa jawi deggan oo Suudaan loogu qaban karo wada hadallo loo dhan yahay.
Xoghayaha fulinta ee IGAD ayaa dhinacyada kala duwan sida xisbiyada siyaasadeed, militariga , ururrada bulshada iyo dhallinyarada Suudaan kula taliyay inay qaab wada xaajood ah ku xalliyaan caqabadaha dalkaasi ka jiro.
Sidoo kale waxaa uu u soo jeediyay inay si buuxda u taageeraan dadaalka saddex geesoodka ah ee ay midowga Afrika , IGAD iyo qaramada midoobay dib ugu soo celinayaan dimuqraadiyadda iyo nidaamkii kala dambeynta ee dastuuriga.
Xaaladda degdegga ee Suudaan ee meesha laga saaray ayaa la soo rogay ka dib afgembigii militari ee 25-kii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.