SAWIRO:Madaxweynaha dalka iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed oo u mahadceliyay ismaamulladii ansaxiyay BBI

0
898

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa galabta aqalka madaxtooyada dalka ee State House ee magaaladatan Nairobi ku martiqaaaday qaar kamid ah hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen madaxweynaha dalka iyo madaxda xisbiyada siyaasadeed ayaa waxay u mahadceliyeen wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada dalka ee ansixiyay hindisaha sharci beddelka ee BBI.
Hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa kala ahaa madaxa xisbiga ODM Raila Odinga dhiggiisa Wiper Kalonzo Musyoka, hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi, KANU Gideon Moi, Charity Ngilu (Narc) iyo Moses Wetangula (Ford Kenya)
Waxaa ay dhanka kale dhammaan shacabka kenyaanka ugu baaqeen inay taageeraan geddisocoka la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka.
Waxaa ay sheegeen in hanaankan uu wax ka qaban doono arrimaha muddada dheer ay sameeyay dalka.
Waxaa ilaa iyo hadda wakiillada golayaasha hoose ee 42 oo ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee ay Kenya ka kooban tahay ay codkooda ku taageereen hindise sharciyeedka BBI.
Waxaa geddisocdokan ka soo horjeystay wakiillada goleyaasha hoose ee ismaamullada Baringo iyo Nandi.
Madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenyatta ayaa ku booriyay shacabka Kenyaanka in ay meel iska dhigaan kala duwanaashahooda siyaasadeed si dalka uu u horumarro.
Hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa balanqaaday inay guda galayaan si kenyaanka loo fahansiiyo waxyaabaha laga dhaxli doono iyo guulaha uu dalka u horseedi doono geddisocodkan.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in la jooga xilligi siyaasiyiinta ay iska dhaafi lahaayeen kala aragti duwanaanshaha islamarkaana la doonaya in la isu imaado si loo hormariyo dalka si jiilayaasha dambe tuusaale wanaagsan looga tago.
Madaxweynaha iyo madaxda siyaasadeed ayaa sidoo kale ku baaqay in joojiyo cadaawada siyaasadeed
Hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee ka hor kacaya warbixinta BBI ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan wadatashi wadajir ah 9-ka bisha soo socota ee Maarso iyagoo kulama kala duwan la qaadan doona xubnaha baarlamaanka iyo hoggaamiyeyaasha ismaamullada.
Dhanka kale afhayeenka aqalka baarlamaanka ee dalka Justin Muturi iyo dhiggiisa aqalka sare Ken Lusaka ayaa lagu wargeliyay in hindisaha BBI la horgeyn doono labada aqal todobaadka soo socda.