Dunida oo laga diiwaangeliyay 257 xaaladaha furuqa daanyeerka loo yaqaano Monkeypox

0
570

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in dunida laga xaqiijiyay xaalado dheeraad oo la xiriira caabuqa naadirka ee aadanaha uga soo gudbo xayawaanka ee loo yaqaano Monkeypox Virus.
Tani ayaa timid ka dib markii ay WHO xaqiijisay 257 xaaladood oo cudurkan la xiriira iyo 12O laga shakisan yahay , 23 ka mid ah waddamada caalamka.
Xarumaha xakamaynta iyo kahortagga cudurrada ee dalka Mareykanka ayaa laga soo xigtay in 12 xaaladood oo caabuqan la xiriira laga xaqiijiyay siddeed gobol oo wadankaasi ka tirsan.
Ma jirto ilaa hadda wax dhimasho oo la xiriira cudurkan oo  la soo tabiyay.
WHO ayaa intaasi ku dartay inay sare u qaadday kormeerka gudaha waddamada aan inta badan cudurka laga diiwaangelin.
Monkeypox ayaa markii ugu horreysay la ogaaday sanadkii 1958 xilligaasi oo uu saameeyay daanyeer cilmi baaris lagu sameynayay.
Kiiskii ugu horreeyay ee qof bani’aadam ah oo uu ku dhaco waxaa laga diiwaangeliyay jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC sanadkii 1970-kii.
Intaasi ka dib waxaa xaalado kale laga xaqiijiyay qaar ka mid ah dalalka bartamaha iyo galbeedka Afrika in kastoo ay ugu badnaayeen DRC iyo Nigeria.
Astaamihiisa waxaa ka mid ah in qofka ay gacmaha cuncunaan ka dibna, malax gasho oo ay isku beddesho nabro muuqda.