Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergei Lavrov ayaa maanta dowladaha reer galbeedka ku eedeyay inay ku dhawaqeen dagaal dhameystiran oo ka dhan ah xukuumadda Moscow.
Waxaa uu xusay in dagaalka uu yahay mid lagu bartilmaameedsanaya dowladda dalkaasi , shacabkeeda iyo dhaqankooda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Ruushku uu sii wado weerarrada bariga dalka Ukraine.
Lavrov ayaa sheegay in heer aan la qaadan karin ay gaartay diidmada wax kasta oo lala xiriirinaya Ruushka.
Arrintan ayuu ka sheegay kulanka golaha wasiirrada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in reer galbeedka ay dalalkooda ka mamnuuceen qoraayaasha Ruushka , hal-abuurrada iyo xeel-dheereyaasha kale ee dhaqanka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa hadalkiisa raaciyay inaysan wax dhib ah lahayn in la qiro in xaaladda ay hadda wajahayaan ay muddo dheer sii jiri doonto.