Golaha xeer dejinta ee dalka Ciraaq ayaa ansaxiyay sharci dhigaya inay dembi tahay in wax xiriir ah lala yeesho Israa’iil.
Xeerka wuxuu qeexaya in heshiiska Ciraaq iyo Israa’iil oo la wanaajiyo ay meel ka dhac ku tahay dastuurka dalkaasi oo ciddii iskudayda ay muteysanaysa xukun dil ama xabsi daa’in.
Waxaa ansaxinta arrintan codkooda ku taageeray 275 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka wadankaasi oo gaaraya 329.
Baarlamaanka ayaa bayaan ku sheegay in arrintan ay si dhab ah uga turjumaysa rabitaanka shacabka Ciraaq.
Ciraaq ayaan weligeed aqoonsan Israa’iil iyadoo shacabka iyo wakiillada shirkadaha dalkaasi aynan Israa’iil booqan wax xiriir oo dibloomaasiyadeed ahna kama dhexeya labada dhinac.