Ruushka oo in ka badan 430 shacab ah ku dilay gobolka Donetsk

0
488

Guddoomiyaha gobolka Donetsk ee dalka Ukraine Pavlo Kyrylenko ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay halkaasi ku dileen ugu yaraan 431 qof oo rayid ah.
Waxaa uu mas’uulkan xusay in sidoo kale la dhaawacay
1,168 ruux.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan weli la ogeyn tirada dadka ku waxyeeloobay magaalooyinka Mariupol iyo Volnovakha .
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in marka laga soo tago burburinta kaabayaasha bulshada sidoo kale in boqolaal kun oo qof ay hooy la’aan noqdeen.
Shalay ayay ahayd markii la taliyaha duqa magaalada Mariupol uu shaaciyay in ugu yaraan 22,000 oo rayid ah lagu dilay Ukraine afartii bilood ee uu socday duullaanka militari ee Ruushka.