Qaramada midoobay oo xayiraado adag saaraysa Kuuriyada Waqooyi

0
260

Xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu wadaa inay u codeyaan cunaqabateyn adag oo la saarayo dowladda Kuuriyada Waqooyi.
Waxaa arrintan codsatay dowladda Maraykanka ka dib markii xukuumadda Pyongyang ay shalay subax adeegsatay saddex gantaal.
Howlgalkan ayay Kuuriyada Waqooyi fulisay muddo hal saac gudaheeda ah waxaa hubka ay isticmaashay ka mid ahaa midka riddada dheer ee u kala gudbi karo qaaradaha.
Hasa ahaate dowladda Shiinaha oo leh awoodda qayaxan ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi oo xayiraado adag la saaro aynan xal u ahayn dhibaatooyinka taagan ee dhanka adeegsiga nukliyeerka.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu si aqlabiyad leh u ansaxiyay qaraar tirsigiisu ahaa 2397 kaasoo lagu sheegay in xayiraado adag la soo saari doono haddii Pyongyang ay gantaal kale oo ah noocyada ICBM ay adeegsato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here