In ka badan 19 carruur ah oo lagu dilay Maraykanka

0
349

Ugu yaraan 19 arday iyo labo macallin ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen toogasho lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah dugsiyada hoose dhexe ee gobolka Texas ee Maraykanka.
Guddoomiyaha gobolkaasi Greg Abbott ayaa khasaaraha ka dhashay weerarka u xaqiijiyay warbaahinta.
Abbott ayaa laga soo xigtay in nin hubeysan oo ay da’diisu tahay 18 sano uu rasaas ku furay dugsiga Robb Elementary oo ku yaalla meel masaafo dhan 80 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan magaalada San Antonio.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in eedeysanaha uu toogashada u fuliyay si arxaan darro oo aan u fiirsasho lahayn.
Guddoomiyaha gobolka Texas ee Maraykanka ayaa intaasi ku daray in ugu dambeyn ay ciidamada booliska oo falkaasi ka falcelinayay ay dileen ninka weerarka soo qaaday.
Waxaa Maraykanka tobaneeyo sano saameyn ku yeeshay falalka rabshadeysan ee hubka loo adeegsado iyadoo in badan dowladda loogu baaqay inay soo saarto tallaabooyin adag oo arrintan lagula tacaali karo.
Sanadkii 2020, waxaa gudaha Maraykanka hub la adeegsaday awgii u geeriyooday 19,350 qof tani oo ah sare ku dhac ku dhow boqolkiiba 35 marka loo barbardhigo dhacdooyinkii la diiwaangeliyay sanadkii 2019-kii.