Xisbiga Wiper oo doonaya inuu markale ku biiro isbeheysiga Azimio

0
488

Xisbiga Wiper ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay la shaqeeyaan isbehaysiga Azimio La Umoja-One Kenya iyadoo wada shaqeyntuna noqoneyso mid wadahadal qaabeysan ku timid.
Xoghayaha abaabulka ee xisbigan Robert Mbui ayaa arrintan ku dhawaaqay xilli lagu guda jiray shir shalay ka dhacay huteelka Stoni Athi Resort ee ismaamulka Machakos.
Waxaa shirkan ka soo qayb galay hoggaamiyayaal la soo doortay, waxaana looga hadlayay sidii uu xisbiga uu noqon lahaa mid horay u socod sameeya.
Madaxda shirkan ka soo qayb gashay waxaa ka mid ahaa senetarka ismaamulka Makueni Mutula Kilonzo Junior , xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Matungulu ee ismaamulka Machakos Stephen Mule, Thaddeus Nzambia, Joshua Kimilu iyo siyaasiyiin kale.
Hoggaamiyayaasha ayaa sheegay in haddii dalabka ay soo gudbiyeen isbeheysiga uu noqdo mid aan wanaagsaneyn, ay diyaar u yihiin inay ku taageeraan Kalonzo inuu noqdo madaxweynaha shanaad ee Kenya.
Tani ayaa ku soo aadeyso hal toddobaad un ka dib markii uu madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kalonzo Musyoka uu shaaciyay in Andrew Leteipa Ole Sunkuli oo ah siyaasi ka soo jeeda ismaamulka Narok uu yahay ku xigeenkiisa xilliga doorashada guud ee soo socota ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Kalonzo ayaa iskaga baxay isbeheysiga Azimio-One Kenya ka dib markii uu waayay booskii uu ku tartami lahaa ee ku xigeenka Raila Odinga.
Waxaa uu sheegay in Raila uu doonayay inuu ku qanciyo in Martha Karua uu u xusho ku xigeenkiisa balse uusan ka aqbalin.
Kalonzo ayaa haatan safar toddobaad qaadanaya ku jooga boqortooyada Ingiriiska iyadoona la hadal haya in uu jiro qorshe lagu doonaya in dib loogu soo celiyo isbeheysiga Azmio.