Erdogan oo la hadlay madaxa NATO

0
424

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la hadlay xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg.
Waxaa uu u sheegay in xukuumadda Ankara aynan oggolaan doonin codsiyada dowladaha Finland iyo Sweden ay ugu biirayaan NATO ilaa iyo inta laga xallinaya tabashooyinka amni.
Waxaa uu Erdogan ku celceliyay inay qasab tahay in NATO ay meel saarto arrimaha Turkiga uu tabanaya ka hor inta aynan garab siin xubinnimada labada dal.
Turkiga ayaa waddamadan si gaar ah Sweden ku eedeyay inay hooy siiso xoogagga dalkaasi laga xaaraantimeeyay ee Kurdiyiinta iyo taageerayaasha wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo xukuumadda Ankara ay rumeysan tahay inuu ka dambeeyay afgembigii fashilmay ee sanadkii 2016 –kii.