Daadad saameeyay India iyo Bangladesh

0
302

Ku dhawaad 60 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka saddex milyan oo kalena ay saameyn soo gaartay ka dib fatahaado ku dhuftay dalalka Bangladesh iyo India.
Daadadka ayaa yimid ka dib roobab culus oo waddamadaasi ka da’ay.
Gudaha dalka Bangladesh waxay fatahaaduhu hooy la’aan dhigeen qiyaastii 2 milyan oo ruux.
Dhibaatadan ayaa lagu tilmaamay midii ugu darneyd ee la diiwaangeliyo muddo 20 sano ah.