Israa’iil oo aan ka qayb geli doonin baaritaanka dilkii Shireen

0
429

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa in maamulkaasi uunan ka qayb geli doonin baaritaannada cadaaladda loogu raadinaya qoyskii ay ka baxday suxufiyaddii Aljazeera ee lagu dilay daanta galbeed Shireen Abu Akleh.
Militariga Israa’iil ayaa aaminsan in baaritaanka oo ay qayb ka noqdaan uu dood dhalin karo.
Wargeyska ka soo baxo Israa’iil ee Ha’aretz ayaa saaka qoray in qaybta dambi baarista ee ciidamada ammaanka Israa’iil ay sheegeen in aynan baaritaanka ku biiri karin maadaama ciidamadooda loo arko eedeysanayaal taasoo mucaaradnimo keeni karto.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qoyska Shireen ay dalbanayaan dabagal daahfuran oo lagu xaqiijinaya sida uu u dhacay iyo cidii ka dambeysay dilkii suxufiyadda oo lagu tilmaami jiray codka Falastiiniyiinta.