Qaramada midoobay oo sheegtay inay Ukraine ku dhinteen 3,752 qof

0
329

Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in dad shacab ah oo ay tiradoodu tahay 3,752 lagu dilay gudaha dalka Ukraine.
Dhimashadan ayaa la diiwaangeliyay tan iyo markii Ruushka uu 24-kii bishii labaad ee sanadkan uu Ukraine ku qaaday duullaan militari.
Xafiiska guddoomiyaha arrimaha xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay ee (OHCHR) ayaa tirada rayidka ay waxyeelladu soo gaartay ku sheegay 7,814.
4,062 oo dadkan ka mid ah ayaa lagu dhaawacay weerarrada militari ee xukuumadda Moscow.
Bayaanka waxaa ku cad in shakhsiyaadkan badankoodu oo adeegsaday waxyaabaha qarxa oo lagu bartilmaameedsanayay meelaha ay saameynta ugu badan ka dhalan karto.
Xafiiska OHCHR ayaa intaasi raaciyay inay suurtagal tahay in tirada rasmiga ee dhimashada ay intan ka badan tahay.