Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu senatarka dowlad deegaanka Tharaka Nithi Prof. Kithure Kindiki ku sheegay inuu u mahadcelinaya cid kasta oo taageertay sidoo kalena garab ku siinaysay in loo magacaabo xilka madaxweyne ku xigeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in maanta bayaan rasmi ah ka soo saari doono go’aanka shalay lagu xushay Gachagua.
Good morning Fellow Kenyans, today I will be making my Official Statement regarding the choice of running mate for the #KenyaKwanza Coalition that was made yesterday by H.E Dr. Ruto. Ignore all the speculations being thrown around in the media. #KenyaKwanza #HustlerNation
— Prof. Kithure Kindiki 🇰🇪 (@kithurekindiki_) May 16, 2022
Shalay ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo u tartamaya xilka madaxweynaha wadanka xilliga doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan uu si rasmi ah ugu dhawaaqay cidda ku xigeen u noqon doonto.
Waxaa uu shaaciyay in wada tashi dheer ka dib uu xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri ,gobolka bartamaha wadanka Rigathi Gachagua uu u soo xushay inuu ku xigeen u noqdo.