DHAGEYSO:Midowga musharixiinta Soomaaliya oo ku dhawaaqay in aan laga hor istaagi karin banaanbaxa

0
641

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlay baaanbaxii ay ku dhawaaqeen inuu Maalinta Jimcada ee toddobaadkan ka dhici doona Magaalada Muqdisho gaar ahaan fagaaraha Daljirka daah-soon.
Afhayeenka Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay warbaahinta gor dhaweyd ayaa waxaa uu sheegay in banaanbaxa ay ku baaqeen la qabanayo uu sidiisii yahay, isla markaana uu 26-ka bishaan ka dhici doono Daljirka daahsoon, uuna sharci yahay.
Daahir Geelle ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si sharci darro todobaadkii hore ugu hor istaagtay banaanbax nabadeed oo la qaban lahaa, wuxuuna tallaabadaas ku tilmaamay Isbaaro loo dhigtay Musharaxiinta Madaxweynaha.
Dowladda Federaalka ayuu uga digay inay mar kale carqaladeyso banaanbaxa Musharaxiinta, isla markaana waxaa uu Afhayeenka ugu baaqay shacabka inay kasoo qeyb galaan oo ay muujiyaan dareenkooda.
Ugu dambeyn Afhyeen Daahir Maxamuud Geelle ayaa si Cad u sheegay in banaanbaxaas uu yahay qoddob Dastuuri ah, lana qabanayo oo lagu dalbanayo in dalka Soomaaliya laga qabto doorasho heshiis lagu wada yahay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in la joojiyay isugu imaatinada shacabka iyo banaanbax lagu taageerayo dowladda ama Mucaaradka ay wataan, xili Musharaxiinta mar kale ku celiyeen in Jimcada ay banaanbax la qaban doonaan.