Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo gaaray Jarmalka

0
317

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa safar ku tagay magaalada Berlin ee wadanka Jarmalka.
Waxaa uu halkaasi kulan kula qaadan doonaa wasiirrada arrimaha dibadda ee gaashaanbuurta NATO .
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu Blinken ku sheegay in kulanka looga wada hadli doono arrimaha NATO iyo tallaabada loo baahan yahay inay joogteeyaan si loola tacaalo waxa uu ugu yeeray daandaansiga gar-darrada ah ee uu Ruushka ku hayo Ukraine.
Sidoo kale waxaa la eegi doonaa qorshaha ay dowladaha Finland iyo Sweden ku doonayaan inay ugu biiraan gaashaanbuurta NATO.
Wararka ayaa tilmaamaya in isbeheysiga militari ee NATO uu ka baaran degaya sida uu garab u siin karo Ukraine isagoo aan ku milmin dagaalka Ruushka.