Beesha caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan xubnaha Baarlamaanka ee labada aqal ee Soomaaliya inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka.
Bayaan kooban oo kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu boorriyay Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharraxa ay rumeysan yihiin inuu la imaanayo siyaasadda iyo tayada hoggaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban.
Warka beesha caalamka ayaa kusoo beegmay xilli wax ka yar 5 saac ay ka harsan tahay doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, waxayna soo dhoweeyeen dhameystirka geedisocodka doorashada ka dib dib udhacyo badan oo laga soo gudbay.
Beesha caalamka ayaa si dhow ula socon doonta doorashada, iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan safiirrada beesha caalamka.
In ka badan 30 musharrax ayaa ku tartamaya codeynta maanta ka dhaceysa teendhada Afisyooni, waxaana ka mid ah madaxweyne Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday horraantii sanadkii hore, labadii madaxweyne ee xilka uga horreeyey iyo siyaasiyiin kale.
Home Wararka Soomaaliya Beesha caalamka oo baaq ka soo saartay doorashada maanta ka dhaceysa Muqdisho