Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Hay’adaha aan dowliga ahayn ee Niger oo dacwad ka gudbiyay dowladda

Hay’adaha aan dowliga ahayn ee Niger oo dacwad ka gudbiyay dowladda

Hay’adaha aan dowliga ahayn ee dalka Niger ayaa gudbiyay dacwad ay ku sheegayaan in dowladda dalkaasi ay lumisay dhaqaale dhan 99 milyan oo doolar.
Cali Idrissa oo matalaya hay’adda qiimeynta iyo xaqiijinta daahfurnaanta miisaaniyadeed ee (ROTAB) ayaa sheegay in isaga iyo ururrada kale ay dib u eegeen sidii sanadkii tagay maamulka madaxweyne Maxamad Bazoum uu u adeegsaday dhaqaalaha dowladda .
Hay’adaha ayaa warbixintooda ku sheegay in la isdabamariyay ilaa 63 bilyan oo ah lacagta dalkaasi.
Qiimeynta dhanka horumarinta aadanaha ee qaramada midoobay ee (HDI) ayaa muujinaya in Niger ay tahay dalka ugu saboolsan caalamka oo ayna dowladda wadankaasi la daala dhacaysa sumcad xumo dhinaca musuqmaasuqa ah.
Madaxweyne Maxamad Bazoum oo sanadkii hore la doortay ayaa ballanqaaday inuu la dagaallami doono musuqa.
10-kii bishii hore ayay ahayd markii uu barta Twitter-ka ku soo qoray in qiyaastii 30 ka mid ah saraakiisha sar sare ee dowladda Niger oo lagu helay lunsashada lacagaha dadweynaha in xabsiyada lagu hayo oo ay muddo dheer ku sii jiri doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments