Amiirka Imaraadka Carabta oo geeriyooday

0
662

Hoggaamiyaha ama amiirka dalka isu tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa maanta geeriyooday isagoo 73 sano jir ah.
Wasaaradda arrimaha madaxtooyada ee Imaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday 40 cisho oo baroordiiq rasmi ah.
Sidoo kale saddex cisho waxaa xirnaan doono xarumaha wasaaradaha , goobaha rasmiga ee dowladda iyo maamullada hoose iyo waaxyaha gaarka ah.
Qoraalka oo la soo dhigay barta Twitter-ka waxaa ku cad in sidoo kale calamada UAE-da ilaa meel dhexe hoos loo dhigaya.
Waxaa uu muddo la daala dhacayay xanuun ku dhacay 10 sano ka hor.
Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo sanado badan lagu arkin fagaarayaasha ayaa xilka kala wareegay aabihiis iyo aasaasihii Imaaraadka Carabta Sheekh Zayed Bin Sultan Al Nahyan sanadkii 2004-tii xilligaasi oo u geeriyooday.