In ka badan 6 milyan oo ka qaxday Ukraine

0
467

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 6 milyan oo qaxooti ah ay ka qaxeen dalka Ukraine.
24-kii bishii Labaad ee sanadkan ayay ahayd markii dowladda Ruushka ay wadankaasi ku qaadday duullaan militari.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa laga soo xigtay in dadka ka cararay dagaallada Ukraine ilaa 11-kii bishan ay tiradoodu tahay 6,029,705 qof.
In ka badan oo qaxootigan ka mid ah waxay gudaha u galeen waddamada dariska la ah Ukraine iyadoo tirada ugu badan ay qaabishay dowladda Poland.