Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dagaalka Dhuusamareeb ee u dhexeya ciidanka Galmudug iyo Ahlu-Sunna oo xoogeystay...

Dagaalka Dhuusamareeb ee u dhexeya ciidanka Galmudug iyo Ahlu-Sunna oo xoogeystay & ciidamo horleh oo ku biiray

Waxaa sii xoogeystay dagaalka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ku dhexmaraya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogagga Ahlusunna oo soo weeraray Magaalada.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa qaybo ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sidoo kalena Gaadiidka dagaalka ee Cabdi Billaha ay wataan labada dhinac ee dagaalamaya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Dowladda ee Gorgor iyo Haramcad ay dagaalka ku biireen, kuwaas oo doonaya inay Magaalada ka saaraan dhinacyada ay kasoo galeen Ciidamada xoogagga Ahlusunna.
Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka kasoo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyada dagaalamay, waxaana Maanta xiran inta badan Goobaha Ganacsi ee Magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments